Deeganka Hoobiyeyaasha Laga Soo Tuuro Muqdisho oo Ciidamo la Geeyay

Iyadoo habeen ka hor madaxtooyada dalka Soomaaliya lagu soo weeraray madaafiic culculus ayaa saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in goobaha madaafiicda laga soo tuuro la geeyay ciidamo Booliis ah.

Sida uu ka dhawaajiyay Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Shariif  Sheekuna maya deegaanka Tiida ee Degmada Dayniile ayaa waxaa halkaasi la geeyay ciidamo Booliis ah kuwaasi oo sugaya ammaanka Dayniile.

Wuxuu sheegay in ciidmaada Booliiska dalka Soomaliya ay ka hortagi doonaan dhibaatooyinka iyo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhaca Degmada Dayniile ee Gobalka banaadir.

“Mar dambe hoobiye lagama soo tuurayo Dayniile iyo agagaarkeeda maxaa yeelay ciidamada Booliiska ayaa caawa geynay”Shariif sheekuna maya ayaa sidaasi sheegay.

Hadalkaan ayaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed wuxuu ka jeediyay xilli uu booqanaye isaga iyo saraakiisha Nabadsugida iyo Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here