Deegaanka Yaaqbari Weyne oo ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM

Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in maanta uu dagaal ku dhex maray ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo ciidamo taabacsan ururka Alshabaab garoonka dayuuradaha ee Ballidoogle.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada afar ruux iyo dhaawaca tiro kale.hase yeeshee ciidamadii weerarka soo qaaday ee Alshabaab ayaa dib ugu laabtay halkii ay markii hore weerarka ka soo qaadeen.

Hase ahaatee ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay weerareen deegaanka Yaaqbari Weyne halkaa oo ay ku tuhmayeen in ay ururka Alshabaab weerarka ka soo qaadeen.

Balse lama sheegin wax iska horimaad ah oo ka dhacay deegaanka Yaaqbari Weyne kadib markii ay ciidamadii ALshabaab ay halkaas isaga baxeen.

Xaalada degmada Wanlweyne iyo deegaanka Yaaqbari Weyne ee ay ciidamada dowlada gaareen ayaa degen haatan iyadoo halkaasi ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa u muuqda kuwa doonaya inay si tartiib tartiib ah ugu sii fidaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Hase yeeshee ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa dhaafi la’ inkabadan 40km wadada ugaga baxda magaalada Muqdisho dhinaca Waqooyi waxana ay ciidamada ay ku eg yihiin halka laga soo galo magaalada Balcad ee ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here