Deg Deg ah :Madaxweyne Xasan Shiikh oo saakay ku wajahan Kenya

War goordhow naga soo gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaas ay ka socoto qaban qaabo ku saabsan safar uu goordhow madaxweynaha ugu kicitamayo magaalada Mombasa ee dalak Kenya.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa doowlada ayaa la sheegayaa in lasoo dhoobay wadada kabaxda madaxtooyada ee aada Garoonka diyaaradaha, Ciidamada ayaa wadada xiray amaanka ayayna si aad ah u sugayaan.

Warar hoose oo aan helnay ayaa shegaya in madaxweyne xasan Shiikh, uu magaalada Mombasa kulan qaas ah kula yeelan doono madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Uhuro Kenyata, kulanka labada madaxweyne ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa xooga lagu saari doonaa arimo ku aadan maamul us amaynta Jubooyinka.

Kenya, ayaa dhowr mar lagu eedeeyay iney saameyn iyo faragalin ku leedahay shirka ka soconaya magaalada Kismayo, islamarkaasna la doonayo in lagu sameeyo maamul goboleedka Jubaland iyo Gedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here