Dayuurado duqeeyey deegaan ka mid ah gobolka Jubbada dhexe.

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada dhexe ee dalka Somaliya ayaa sheegaya in dayuurado dagaal ay gantaalo ku garaaceen deegaano hoos taga degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in deegaan Dhaaytubaako ay gantaallo ku garaaceen labo dayuuradood oo aan la garanayn halka ay ka soo duuleen.

Illaa iyo hadda lama sheegin qasaaraha ay geysteen dayuuradahan gantaalada ku garaacay deegaanka Dhaaytubaako.
Hase yeeshee dadka deegaanka oo cabsi iyo walwal ay soo wajahaday ayaa sheegaya in ay dad wax ku noqdeen.

Dayuuradahan oo aan illaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn wadanka laga leeyahay ayaa hase yeeshee waxaa jira shaki ah in ciidamada cirka ee Kenya ay yihiin kuwa duqeyntan geystey.

Duqeyntan ayaa haddii ay dhabowdo inay ciidamada Kenya yihiin kuwa geystey ayaa waxa ay noqoneysaa marki ugu horeysey ee ay dayuuradaha Kenya ay wax duqeeyaan tan iyo markii ay ka mid noqdeenciidamada Amisom.