Dayactir lagu bilaabay Jardiinooyinka Muqdisho -Sawiro & Warbixin

Doowlada Soomaaliya, ayaa dayactir ku bilaawday Jardiinooyinka ku yaal isgoosyada ugu muhiimsan magaalada Muqdisho.

Jardiinooyinka ilaa hadda doowlada dayactirka kusameeysay waxaa kamid ah, Isgoyska KM4, KMO ama Ex Fiat, sidokale waxaa kamid ah Jardiinka Ex baarlamaankii hore aktiisa ku yaal.

Dib udhiska Jardiimankaan ayaa ah nuu c kamid ah dib usoo celinta bilicda magaalada Muqdisho, oo hadda u muuqaneeysa mid soo ceshaneeysa Karaamadii iyo mansiibkii magaalnimo.

22-Sano kahor magaalada Muqdisho, waxay lahayd Jardiiman aad u qurxan, islamarkaasna ay ardayda wax ku aqrisan jireen amaba ku tamashleeyn jireen xiliyada fasaxa, sidoo kale waxaa ku haasaawi jiray dhalinyarada xiriirka leh.

Isbadaladaan iyo horumarkaan magaalada hadda kajira, ayaa waxaa saldhig u ah kabixitaankii Al-shabaab oo iyaga caqabad ku ahaa nolosha iyo horumarka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here