Dawlada Mareykanka oo sheegtay in Awooda Ururka Al Shabaab Wiiqeen

vector american flagWarbixin kasoo baxday Waaxda Dafaaca Mareykanka oo faafaahin dheeri ah Mareykanku uu kaga bixinayo duqeyntii kadhacay gobolka Jubadda Dhexe 29 December sanadkii hore ee 2014  ayuu mareykanku ku sheegay in howlgalkaasi uu guuleystay.

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka  Admiral John Kirby ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay Abdishakur Tahliil oo ahaa madaxii Sirdoonka Xarakada Al-shabab.

Warbixinta Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in Mr “Tahliil” uu masuul ka ahaa weeraro qarsoon oo ay kooxdu kageysato gudaha wadanka Somalia iyo gobolka intiisa kale,dhimashada Abdishakuurna ay soo afjareeso weeraradaasi.

“Dhimashadiisa Mr.Abdishakur waxay si balaaran u saameyndoontaa awoodii Al-shabab ee ahayd qaadi taanka weeraro lala eegto dowlada Soomaaliya iyo danaha Mareykanka ee gobolka ” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Pentagon-ka Mareykanka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa si isku mid ah uxaqiijiyay dilka Abdishakur Tahliil balse majirto wax kasoo baxay Al-shabab oo uu katirsanaa.

Xarkada Al-shabab oo xiriir laleh urur weynaha A-Qaeda ayaa weeraro kageysta gudaha Soomaaliya iyo wadanka Kenya waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo ay geystaan kuqaadeen xarunta ugu weyn ee ciidamada midowga Africa ee Xalane halkaa oo ay dagaalyahano katirsan Al-shabab mudo dhowr iyo 10 saacadood ah kadagaalamayeen kuna dileen ciidamo katirsan midowga Afrika ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here