Dawlada Jabuuti oo isbuucaan Gudihiisa Ciidamo Badan Usoo Direysa Dalka Somaliya

Safiirka ufadhiya Dawlada Jabuuti waddanka Somaliya Dayib Dubad Rooble ayaa shaaca ka qaaday in isbuucaan gudihiisa muqdisho imaan doonaan ciidamo ka socda waddanka Jabuuti.

Ciidamadaan iminaya Somalia ayuu ku sheegay Safiirka inay ka mid noqon doonaan kuwo horey jabuuti ugu soo dirtay somaliya kana qeyb qaadanaya howlgalka nabad kusoo celinta Somalia ee AMISOM.

Dayib Dubad Rooble Safiirka Jabuuti ujooga Somaliya oo la hadlayey Saxaafada waxa uu sheegay in ku dadaalayaan mar walba sidii ay ugarb istaagi lahaayeen walalaha somaliyeed iyo sidii nabad loogu soo celin lahaa.

“Dhamaadka todobaadkaan waxaa imaanaya somaliya 900 oo askari oo ka imaanaya Dalka Jabuuti kuwaasi oo ku biiraya ciidamo horey ujoogay somaliya ayuu yiri safiirka Jabuuti ujooga Somalia”.

Danjiraha Jabuuti ufadhiya Waddanka Somaliya Dayib Dubad Rooble ayaa cod dheer ku sheegay inay mar walbo laabta ku hayaan inay somaliya sidii bari samaadkii kusoo noqon doonto awoodii ay lahaydna dib usoo ceshato.

Shalay waxaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Wafdi ballaaran oo ka socday dawlada Jabuuti uuna hogaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi Maxamed Kaamil,taliyaha Nabad sugida dalkaasi iyo Amaan-duulaha jabuuti iyagoo dhiiri geliyey ciidamadooda kusugan magalada baladweyne.

Dawlada Jabuuti ayaa ciidamo ka joogaan waddanka Somaliya waxaana xiriir wanaagsan ay leeyihin labada dawladood waa somaliya iyo jabuuti iyadoo madaxweynaha Dalkaasi Cusmaaciil Cumar Geelle uu ballan qaaday taageero siinta dawlada Cusub ee Somaliya udhalatay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here