Dawlada Itoobiya oo Heegan ka gashay Weeraro Al Shabaab Fulin rabaan

src.adapt.480.low

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia ayaa sheegtay inuu dalkooda ka badqabo xilli kasta weeraro kaga yimaada Xarakadda Alshabaab, waxaana loogu baaqay dadka Ethiopianka inay taxadar muujiyaan.

Ambassador Taye Atsle Selassie oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia ayaa hadalkaasi shalay u sheegay Diplomaasiyiinta Caalamiga ee ku sugan magaalladda Addis Abeba.

“Waxaan doonaynaa inaan hubaal uga dhigayo Mujtamaca Diplomaasiyiinta ku sugan Addis Abeba inaan qaadayno tallaabo kasta, si aysan Alshabaab cagta u soo saarin Addis Abeba iyo guud ahaan dalkeenna ” ayuu yiri Ambassador Taye.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii ay Safaaradda Maraykanka ku leedahay magaalladda Addis Abeba ay shegeeen inay hayaan Warar Loo-qaateen ah oo muujinaya inay Alshabaab qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan Xaafadda Boole ee magaalladda Addis Abeba oo ay ku yaallaan Hoteelo badan, goobo ganacsi iyo Baarar ay had iyo jeer booqdaan Shisheeyaha iyo Ethiopianka.

Digniintaasi oo la soo dhigay Websaytka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa uga digtay Muwaadiniintooda inaysan tegin goobaha ku yaalla Xaafadda Boole, iyadoo laga cabsi qabo inay Alshabaab falal aar-goosi ah ka geystaan Addis Abeba, iyagoo ka fal-celinayo Ciiddanka Ethiopianka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kula dagaalamayaan Alshabaab.

Dhinaca kale, Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah Ethiopia, Patricia Haslach ayaa sheegay inaysan Safaaraddu isku tijaabinayn inay hoos u dhigto doorka Dowladda Ethiopia ee arrimaha Ammaanka.

“Haddii aan hayno warbixinno rasmi ah, waxaan u baahanahay inaan la wadaago dadka Maraykanka, taasina waa Sharci, waana arrinkaasi, waxaan halkan uga hoos shaqeeyo” ay uu yiri Danjiraha oo intaasi ku daray inay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeeyaan Dowladda Ethiopia mararka aynu ku soo wargelinayo xilliyadda taxadarka.

1 COMMENT

  1. Dowladda Itoobiya ha ka baxdo SOOMAALIYA oo dhan. hana tagto xuduuda ay la wadagto dalka.

    Waxaa fududaanaya iney yaraato cabsida iyo wel welka ay ka qabto iney uga timado dhanka soomaliya.

    maaha in dowladda itoobya noqto mid markasta lagu qasbo iney faro gelin ku sameyso arimaha wadanaka SOOMALIA

    wixii qilaaf ah ee dhex yaala SOOMALIDA, iyaga aya xalinaya, loona baahan yahay iney xal WAARA ka gaaraan.

    Mida kale- Dowladda mareykanka ad bey ugu FASHILLANTEY, damaceeda ah iney xasilooni daro ka abuurto soomalia.

    Waana og yihiin SOOMALIDA O DHAN INEY WAX WANAAG AH DOWLADDA MAREYKANKA U HEYN SHACABKA SOOMALIYEED.

    LAAKIIN SOOMALIDA MAXAA LA GUDBOON- INEY GEBI AHAANBA U JIRAAN XIRIIRKA WADANKA MAREYNKA AY LA LEEIHIIN.

    INTA AY DOWLADDA MAREYNKA KA TANAASULEYSO DHIBAATEYNKA,BARAKICINTA IYO WELIBA FARO GELINTA QAAWAN AY KU HEYSO UMADDA SOOMAALIYEED…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here