Dawlada Iran oo Hambalyo usoo dirtay R/W Sharma’arke

Madaxweyne ku xigeenka Iran ayaa hambalyo usoo diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay loo magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kadib markii codka kalsoonida uu waayay ra’isul wasaarihii ka horeeyay ee C/welli Sheikh Axmed.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Iran Es’haq Jahangiri, ayaa fariin uu soo diray wuxuu kuu sheegay inuu ugu hambalyeynayo soo magacaabista Cumar Cabdirashiid cali oo noqday ra’iisul wasaarihii seddexaad inta xilka madaxweyne uu hayo Xasan Sheikh.

Fariinta madaxweyne ku xigeenka Iran ayuu ku sheegay inay sii wanaajin doonaan xiriirka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay inay balaarin doonaan.

Wuxuu sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ay horyaalaan waxka qabashada arimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo dhaqanka dalka Soomaalya, dhankoodana ay gacan weynn ka geysan doonaan sidii loo baraalin lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka Iran ayaa sheegay inuu u rajeynayo inuu guulo badan ka gaaro siyaasada dalka Soomaaliya wuxuuna kula dardaarmay inuu muhiimada koowaad siiyo shacabka Soomaaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here