Dawlada Ingiriiska oo Ka Hadashay Khilaafka Madaxda Somaliya

Flagbig

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska arimaha dibada Britain  ayaa lagu sheegay in aad uga walaacsan yihiin xaalada siyaasada Somalia ee aanan daganeyn ,waxaana lagu booriyeey dhamaan dhinacyada khilaafka uu udhaxeeyo in ay xaliyaan khilaafkooda iyadoo loo marayo qaab siyaasadeed.

Warkan ingiriiska kasoo baxay ayaa lagu sheegay in lasoo saaray kadib markii Britain ay ogaatay in mooshin-kalsooni kala laabasha ah laga gudbiyay Ra’iisul wasaraha Xukuumada Somalia Abdiwali Sheikh ahmed Mohamed,sida afhayeen uhadlay Britain uu sheegay.

“Ingiriisku aad buu walaac uga muujinayaa xasilooni darada siyaasaeed taa oo Qatar ku ah hormarka Somalia ,dibna udhigeysa hormarka siyaasadeed ,mida amaan iyo wadada loo marayo hormarka.

Waqtigu aad buu u yaryahay in lagaaro hadafka sanada 2016 lagu taamayo,oo ay kujiraan doorashooyin Somalia kadhaca isla sanadkaas,waxaana ugu baaqeynaa dhinacyada oo idil in ay xaliyaan dhamaan khilaafkooda ,iyagoo fiirinaya danaha iyo mustaqbalka Somalia” ayaa lagu yiri warbixinta Britain ay uga hadleesay khilaafka udhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraha.

Ugu dambeeyntii warka kasoo baxay dowlada Britain ayaa lagu sheegay in ingiriisku uu garab taaganyahay hormarka Somaliya iyo madax banaanideeda.

2 COMMENTS

  1. Qilaaf Weyn oo la buun buuniyo ma jiro. dowladda ingiriiska way ku mahadsan tahay Dadaalkeeda ku qotoma Horumar iyo Midnimada Umadda soomaaliyeed.

    Dowladda ingiriiska hadii ay soomaliya ka caawini karto dhisda waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka aad bey u fiicanaan lahayd. Tusaale dhaqalaha ama canshuuraadka ay ka qaado Ganacasatadda waaweyn ee soomaalida ah oo dalkeeda jooga. iney ugu yaraan 10% daqliga ka soo xarooda ay ku deeqdo dhisida waddo,ama cisbitaal. iyadoo ay Soomalida ugu badan joogaan dalka ingiriiska, hadana ingiriiska ay noqoto dowladda aan ku biirin hal mashruuc oo weyn oo wax tar u leh Dalka soomalia.

    Ugu dambeyntii- dowladda ingiriiska ha ku dadaasho iney furato ama ka hirgeliso Safaaradeeda oo si sax u shaqeynsa, maaha in Ha’aydo ama UN- iwm ay ka masuul noqdaan. sababtoo ah Taasi waxay na tusineysaa iney Dowladda ka dhigeyso iney masuul ka carar tahay. Tusaale maaalin dhexdaas ah ayaa waxaa warbaahinta calamka lagu daabacay, in dowladda ingiriiska u gudbisey nuqul qoraal ah oo ay kaga codsaneysa UN-ka in la joojiyo, lana fatasho Dhamaan maraakiibta u socda Soomalia. Dowladda ingiriska iyo Dowladda Soomaliya waa 2 dowladood oo kala madax banaan, Waxay ahayd Dowladda ingiriiska ineysan ka faa’ideysan ama ay ku dulmin Mujtamaca Soomaaliyeed, Meelna kaga dhicin Xornimadda iyo madax Banaanidda Umadda Soomaaliyeed.

    Haddii aanu nahay Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Dibadda, waxaan Dowladda ingiriiska ka codsaneynaa iney furto Safaarad sax ah oo si wanaagsan u shaqeyneysa, si markaasi ay u fududaato isu sosocodka 2-da mujtamac.
    si labada dal wax u wada qabsadaan waxa loo bahan yahay in xiriirkooda ka wanagsanaado sida haddda uu yahay iyo Biritish airways sidoo kale ka shaqo bilowdo Tegista Soomalia gaar ahaan Muqidsho.

    Xiriir-Wanaagsan.

    Mahadsanidiin.

  2. markaan fiirino koox uu soo abaabuley r/ waqtigiisii sii dhacaayo waayo waa shaqsi qalbiga ka xanuunsan waxaa ku weenaaday cudurka Xasadka Kibirka, islaweunida kalsooni xumida, sharaf la,aanta wxuu khalad ka fahmey isticmaal dastuurka uu asgaba ku dhameyn waayo waxaa ku yar fahamka dowladnimo
    wuxuu been u sheegey beesha caalam aan rabin in soomaliya yeelato dowlad awood leh karaamo iyo sharaf leh aduun nabad iyo horumar la qeybsato waxaa la aflagaadeeyey sharafkii astaanta qaranimo waxaaa loo gafey xildhibaanada sharafta mudan r/w yuulka wuxuu taageerey aflagaada waayo markii horeba waxaa qorey saxiibadiis la shaqeeyo qaramada midoobey aygoo qaramada midoobey ka dhigey in ay tahat beel ka mid ah beelaha soomaliyeed fashilka wakiil qaramada midoobey meeshii uu dhexdhaxaad ka noqon lahaa waxaa heley beenaalayaal cudur qabiil madax marey qaska iyo qalaaqalka waxaa mas.uuliyadeda leh beesha caalamka gaar ahaan dowlado rabo in soomaliya aysan helin dowlad karaamo iyo sharaf leh shaqsi soomaliyeed loo arko tuug aan wadaniyad laheen nacaybka qabiilada soomaliyeed oo lasii kala fogeeyey
    hadana in r/w kooxdiisa ay burburiyaan barlamaankii soomaliyeed astaantii qaranimo waa in sharciga la horkeeno kooxda lacagta ka sooo qaatey dowlado rabo in ay soomaliya weligeed nabad noqon hadii laba qofood tartanto mid bey guusha raacaysaa maahanin loo dhaqmo si ciyaal suuqnimo ah
    kooxaha ku taajirey dhiiga shacabka soomaliyeed 23 sanno ayaa rabo in ay soomaliya sii qasaan si ay u qataan kheyraadka soomaliya shacabkana ay qaxooti ku noqdaan dhulkoodii hooyo horaan u sheegy in yuulka uu yahay qaran dumiye waayo u fiirso sida uu dhaqmo wax wadaniyad ah kuma harin waxay aheeed in si faraf ah kuu ku baxo hadii uu waayo kalsoonida barlamaanka mar hadii kooxdii taageysaneyd ay u dhaqmeen si khaladan side ku kasban karaa kolsooni
    hadii aad qalbiga ka xanuunsanaatid waa ceyb aduun xataa hadii uu sii joogo wax karaamo iyo sharaf u harey aanba jirin boowe waa kadaroo debi dhal ingirriska iyo mareykanka waxay qaateen muuqif dhexdhaxaad ah waa in soomali ay dhexdooda xalistaan khilaafaadkooda r/w fashilmey waayey kalsoonidii shacabka midii beesha caalamka side ku sii jooogaa hadiii aysan asga iyo madaxweynaha ay wada shaqeyn Karin hadana uuu saran yahay maxkamada barlamaanka uu sharafkoodii uu aflagaadeeyey taas kaliyaa ayaa dambi ah waa qaran dumiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here