Dawlada Canada “Weerar 2 sano ka hor ka dhacay Muqdisho muwaadinkeena ah ayaa ku jiray”

Sirdoonka dalka Canada ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah dhalinyaro kasoo muuqday muuqaal ay baahiyeen baraha taageera Al-Shabab inuu ka mid yahay dhalinyaro kasoo tagay wadanka Canada.

War kasoo baxay sirdoonka Canada ayaa waxaa lagu sheegay muuqaalka ay Al-Shabab ay ka dhex aqoonsadeen nin ay magaciisa ku sheegeen Mahad Cali Dhoore oo haystay dhalashada Canada inuu ka mid ahaa kooxdii 2 sanno ka hor weerarka ku qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir eek u taala degmada X,weyne.

Wargeyska National Post ee kasoo baxa dalka Canada ayaa qoray in Mahad oo 25 sanno jir ah in dalka Canada la geeyay asagoo 9 jir ah waxaana uu kasoo tagay dalkaasi sanadkii 2009,kii.

Xogtaan ayaa sheegaysa in Mahad Dhoore oo ka mid ahaa ardayda jaamacadda York ee dalka Canada waxaana uu xilligii uu kasoo baxayay dalka Canada uu ehelkiisa u sheegay inuu fasax ku tagayo dalka Kenya kadibna uu kasoo gudbay xadka sidaasna uu Al-Shabab ugu biiray.

Dhoore oo kasoo muuqday muuqaalka ay Al-Shabab baahiyeen waxaa uu leeyahay mar uu hadlayo “Waxaan doonayaa inaan la hadlo dadka walaalahey ah ee reer galbeedka ku nool oo aan u sheego inan u dagaalamayaan Illaahay dartiis kaso taga dhal dhalaalka aad arkaysaan” waxaana uu sidaasi leeyahay asagoo xiran shaati dhawr midab leh madaxana ku wata cimaamad casaan xigeen ah waxaana uu gacanta ku wataa baskoolad booshka qasnadaha lagu qaatana waa uu xiran yahay.

Booliska Canada ayaa sheegay inay baarayaan oo ay su’aalo weydiinayaan qaar ka mid ah ehelada muwaadinkaas kasoo muuqday muuqaalka ay Al-Shabab baahiyeen oo ay ku soo bandhigayeeen kooxdii weerartay maxkamada gobolka Banaadir bishii April sanadkii 2013.

Weerarkaasi waxaa uu galaaftay nolosha Sodomeeyo ruux oo rayid u badnaa tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

31 333 444

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here