David Villa: Waan fiicanahay waana soo laabanayaa

Gool dhaliyaha kooxda Barcelona David Villa oo shalay lugta ka jabay ayaa aaminsan inuu safan karo koobka Qaramada Yurub xilli lix bil uu garoomada ka maqnaanayo.

 

Weeraryahankaan ayaa si xun ugu jabay kulan ka tirsanaa semi-finalka koobka Club World Cup oo ay shalay kooxdiisa la ciyaartay naadiga Al Sadd ee dalka Qatar, ciyaartaasi waxay ku dhamaatay 4-0.

 

Inkastoo warar hor dhac ah oo soo baxayey ay sheegayaan in uusan safan doonin ciyaaraha koobka Qaramada Yurub ee bartamaha sanadka soo aadan, hadana Villa wuxuu sheegay inuu rajeynayo inuu soo laabto dhamaadka xilli ciyaareedka soo aadan.

 

“Waan idin salaamay qof walba, waad ku mahad santihiin dhiiri gelinta aad i siiyeen, dhaawacaan runti waa dharbaaxo isoo wajahday, laakin waxaan ku qanacsanahay in aan ciyaari doono finalka koobka [the Champions Leauge] bisha Munich iyo koobka Qaramada Yurub ee Euros,” ayuu yiri Villa oo hadalkaan ku shaaciyey bogiisa Facebook.

 

Barcelona ayaa Axada soo aadan dalka japan kula ciyaari doonto kooxa ka dhisan dalka Brazil ee Santos finalka koobka Kooxaha Horyaalada Naadiyada Aduunka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.