David Beckham ayaa ku dhawaaqay Khamiistii shaley in uu ka fadhiisanayo ciyaaraha kubadda cagta marka uu dhammaado xilli ciyaareedka hadda socda, kaddib 20-sanno oo ku soo jiray xirfadan.
Kabtankii horre ee kooxda England, ayaa u soo ciyaaray waddankiisa 115-kulan halka 394 kulan uu u ciyaaray kooxda Manchester United, isagoona kula guuleestay lix koob oo ah horiyaalka Premier League iyo tartanka kooxaha qaarada Yurub ee Champions League.
Beckham, oo hadda ah 38-jir,wuxuu shan bilood oo heshiis ah la saxiixday kooxda Faransiiska ee Paris St-Germain bishii January.
Mar uu saxaafadda la hadlaayay wuxuu yiri “Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo kooxda PSG kuwaasoo isiiyay fursad ah in sii ciyaaro laakin xilligan waa waqtigii aan gabi ahaan soo afmeeri lahaa xirfada kubadda cagta,” ayuu yiri.
Kooxda PSG waxaa uu u dhiman labo kulan ka hor inta aan la soo afjarin horiyaalka dalka Faransiiska, waxaana ka mid ah kulanka Sabtida Berri ay gurigeeda kula ciyaari doonaan Brest iyo kan ay u safri dooaan kooxda Lorient 26-ka bisha May.
Xidiggan oo ku dhashay bariga magaalada London-wuxuu kaloo u soo ciyaaray kooxaha Man United, Real Madrid, Los Angeles Galaxy, AC Milan iyo PSG oo uu hadda la joogo, wuxuu ku guuleestay 19-koob oo ay ku jiraan 10-horiyaalada qaarada Yurub.
Waa ciyaaryahanka kaliye ee u dhashay dalka England kaasoo ku guuleestay tartanka kooxaha qaarada Yurub ee championships gaar ahaan afar waddan oo uu joogay.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com