Dastuurka qabyo qoraalka oo ugudbay wajiga labaad ee ee Qormo Horaad

Gudiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa sheegay in haatan si rasmi ah loogaga gudbay wajiga koowaad ee dastuurka oo ahaa waxa loo yaqaano qabya qoraal noona gudbay qorma horaad.

Mudoomiyaha gudiga dastuurka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo xalay wariyaasha kula hadlay magaalada Jabuuti ayaa sheegay in mudo sadex maalin ah ay eegi doonaan sharci yaqaanada wajiga labaad ee qormo horaad kadibna loo gudbi doono qormo labaad.

“Qormo horaad waxa waaye waxa uu soconayaa 3 maalin kadib waxaa ansixinaya qolada shareecada kadibna waxaa loo gudbayaa qorma labaad oo la hor dhigayo odayaasha kaasi ayaana lagu dhaqi doonaa baarlamaanka,” ayuu yiri.

Dastuurka ayaanan wali laga gudbin arrimahiisa, waxaana haatan Muqdisho lagu xulayaa odayaashi anisixin lahaa kuwaasi oo ay u fadhiyaan hogaamiyaasha dhaqanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.