Dastuurka oo haatan cod loogu qaadayo madasha Iskool Buluusiya

Ergada ansixinta dastuurka ayaa haatan wada doorashada ansixinta dastuurka Soomaaliya oo lagu wado in si aqlabiyad leh loogu codeeyo.

Gudiga doorashada ayaa hor dhigay su,aasha doorashada ama codeynta oo u dhacday sidan.

“Si wadanka uga gudbo xaalada uu hada kusuganyahay una diyaar garowno dib u dhiska dalkeena, si aan u dhisno bulsho cadaalad ah ma ansixinaa dastuurka qabya qoraalka si kumeel gaar ah ilaa afti qaran loogaga qaadayo,”

Intaasi kadib ayaa farta loo taagay in la codeeyo haa ama maya, waxaana inta badan farta taagay inta badan ergada.

Hada waxaa socda tirinta inta haa dhahday, kadibna waxaa la tiri doonaa in maya ugu codeysay iyo inta la aamustay.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here