Dastuurka cusub oo maanta la ansixinayo

Maanta ayaa lagu wadaa in la ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay golaha ansixinta Dastuurka ay ka doodayeen Mudo sadax maalmood ah.

Ergada golaha ansixinta Dastuurka Soomaaliya ayaa ayagu shalay waxay soo gudbiyeen qobada ay ula muuqato in laga saaro Dastuurka iyo kuwa ay la tahay in lagu daro.

C/rixmaan Xoosh Jabriil Wasiirka Dastuurka ayaa ugu mahadceliyay Ergada sida wanaagsan oo ay howshooda u wataan, wuxuuna sheegay in looga baahanyahay in ay sii dhameestiraan.

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in maanta la ansixin doono dasuurka cusub.

Dhanka kale qaar kamid ah ergada ansixinta dastuurka ee ku shiraysa Muqdisho ayaa soo dhowayeeyey ansixinta dastuurka, waxayna sheegeen in ay ku qanacsan yihiin qaabka ay iminka wax u socdaan.

Shirka golaha ansixinta Dastuurka ayaa wuxuu socday mudo Todobo maalmood ah, iyadoona sadaxdii maalmood ee ugu danbeeyay laga doodayay qodobada Dastuurka ku qoran.

Maalinta Barito ah ayaa waxaa lagu wadaa in si rasmi ah shirkaan loo soo gaba gabeeyo isla markaana xafdalada gaba gabada ay ka soo qayb galaan madaxda dowlada iyo kuwa ka socda wadamada Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here