Dariiqada Suufiyada oo Sanado Kadib Muqdisho Kuqabtay Siyaarada Shiikh “Suufi”

Kumanaan ruux oo isugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada una badan Culimo ku labisan dhar cad cad sida go’yaasha garbaha lasaarto iyo Khamiisyo iyo Tusbaxyo dhaadheer.

Dadkaan ayaa maalinkii sadexaad booqanaya qabriga Shiikh C/raxmaan Sh. C/laahi oo loo yaqaan Shiikh “Suufi” kuna aasan meel waxyar ujirta madaxtooyada Soomaaliya.

Shiikh Suufi waa sheikh lagu tiriyo Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn oo dad badana ay wax ka barteen, wuxuuna dhintay mudo haatan laga joogo halqarni.

Culimada siyaaraneeysa Qabriga Shiikha ayaa isku qaybiyay Saf saf wareeg ah halkaasoo ay ku xadreeynayaan.

Sanad walbo sidaan oo kale xaflado loo sameeyo Culimada Soomaaliyeed ee geeriyooday ayaa ahaa dhaqan ay Culimada Suufiyada weyneen jireen, laakiin mudo haatan dhowr sano laga joogo xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh ururka Alqaacida ayaa si weyn ula dagaalamay dhaqanka siyaarooyinka, waxaana ay inta badan ka suuliyeen gobolada koofurta iyo bartamaha.

Laakiin dhulalkii loogu fara adkeystay ineeysan galin gacanta Al-shabaab Cabsi awgeed ayay dadka uyareeyeen ineey sidii hore wax waliba u qabsadaan, sida ka dhacday dalal badan oo ay kajiraan dhaqdhaqaaqyada taabacsan Al-qaacida oo ay kamid yihiin, Pakistan, Afganistan, Ciraaq iyo Yeman, waxaa lafahoodii laga soo saaray qabri ay ku aasnaayeen Culumo badan oo ah kuwa Suufiyada, iyadoo Al-shabaabna ay ku andacootay ineey tahay wax aaneey diinta qabin siyaarashada qabrida Culimada.

Magaalada Muqdisho oo ay soo ragaadiyeen dagaalo daba dheeraaday ayaa sidoo kale xafladaha Siyaaradaha ah ee sidaan oo kale loo weeyneeyo waxay uga dhigantahay in raadkii Al-shabaab ay magaalada uga tageen uu sii yaraanayo.

Dadka digrinaya Calamo kala midab ahna lulaya ayaa waxaa goobtooda ku booqday dhowr wasiir iyo saraakiil ka socota doowlada Federaalka.

DRS Maryaan Qaasim, oo ah wasiirada adeega bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegtay in nolosheeda iyo faraceedaba uu saameyn weyn ku leeyahay Shiikh Suufi.

“Aniga shaqsiyan si gaar ah ayay ii taabaneeysaa aniga oo ku koray guri Suufi ah, awoowgeey Shiikh Qaasim wuxuu ahaa ardaydii Shiikh Suufi” ayay tiri DRS Maryan Qaasim.

Goobaha ay dadka Suufida munaasabadaha ku dhigtaan dalal badan ayaa dhowr jeer la weeraray dhiig badana lagu daadiyay in kastoo ay u badnaayeen dalalka ay isku xifaaleeyaan Suniga iyo Shiicada, laakiin Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa dad wada Suniyiin ah.

Ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa Soomaliya ayaa isku gadaamay goobta ay kadhacaysan xafladaan, si ay uga hortagaan hadii wax weeraro ah lagu soo qaado, inkastoo madasha ay tahay goob ku dhexjirta meel si aad ah loo waardiyeeyo.

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur tarsan, ayaa tilmaamay in suufiyada ay leeyihiin cadaw ay muhiim tahay ineey iska qabtaan doorkoodana muujiyaan.

“Waxaa jira cadaw neceb dariiqada Suufiyada, jiritaankooda iyo Culimadoodaba, kuwaasoo qabuuradooda uga tagay soona faagay oo sheeydaan iyo wax baas ku shaqeeysanayaan, waxaan dooneeynaa marka inuu doorkiina muuqdo” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Suufiyada Soomaaliya oo dhowr qayb ka kooban ayaa mudo badan ahaa dad nabadeed oo howlahooda diiniga ah si caadi ah u fushta, laakiin mudo dhowr sano laga joogo ayay ku biireen kooxaha Soomaaliyeed ee hubeysan kadib markii ay sheegeen in Al-shabaab oo fikiro adag oo dhinaca ah ay kala taaganyihiin ay ka daba geeyeen, iyagoo koodii noolaana dilaya kii dhintayna qabrigiisa soo faagaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here