DAREENKA XOOGAGGA MADANIGA AH EE ISBEDDELDOONKA



Kadib kulamo joogto ah oo ay yeesheen qaybaha bulshada ee hoos ku xusan, waxay go’aansadeen inay muujiyaan dareenkooda siyaasadeed ee ku aaddan dadaalada socda ee lagu soo afjarayo xilliga KMG ah.

Waxaan soo dhaweyneynaa dadaalada ay waddo beesha caalamka oo ay ku doonayso xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya, waxaanna aaminsanahay inay noqon karto fursad xal waara looga gaaro mushkiladda daba dheeraatay ee Soomaliya.

Shirarkan waxay ku soo beegmayaan xilli xasaasi ah, oo ay soo if baxayaan is barbar yaac iyo faham la’aan hareeyay hannaanka loo soo afjarayo xaalada kala guurka, taasoo ka dhalatay laba soo jeedin oo farsamo ahaan iyo qaanuun ahaanba ay adag tahay in la is waafajiyo. Waxay kala yihiin Xilliga TFI da oo la guddoonsaday inuu ku eg yahay Agoosto 2012 iyo Xaalada Kala Guurka oo iyadana la doonayo in loo guuro Dawlad Daa’im ah. Labadaan hadaf waa ay fiican yihiin hase ahaatee ma muuqato habkii la isu waafajin lahaa.

Roadmapka: Shirarkii Muqdisho iyo Garoowe

Sida ku cad hannaanka “Road mapka” iyo tallaabooyinkii ka dhashay shirarkii Muqdisho iyo Garoowe waa in la unko weji hor leh oo ku meel gaar ah, taas oo macnaheedu yahay in inta ka harsan Xilliga TFI da la soo xulo Ergo (Constituent Assembly) ansixisa Dastuur ku Meel Gaar ah; xulata Baarlamaan iyo Xukuumad ku Meel Gaar ah.

Tani waxay muujinaysaa in Dhamaynta Xaaladda Ku Meel Gaarka iyo U Guuridda Dawlad Daa’im ah ay meesha ka baxday. Ku meelgaarnimada dawladda Soomaaliyeed waxay ku dhammaan kartaa oo kaliya marka la helo degenaansho siyaasadeed, dibuheshiisiin, dastuur afti qaran loo qaaday iyo madax si xor ah lagu soo doortay.

Waxaa shacabka Soomaaliyeed u soo if baxsaysa in lagu hungoobayo natiijada ka iman karta hannaanka Roadmapka oo aan la marsiinin tabihiisii sharciga ahaa, islamarkaana ka qaybgalka hirgelintiisa iyo maamulkiisaba ay hormuud ka noqdeen shakhsiyaad gaar ah, oo doonayo in natiijada hannaanku noqoto sii joogteeynta xilliga kmg ah. Fashilka ku yimaada hannaanka ROADMAP ka waxa uu keeni karaa in si toos ah majaraha ama talada dalka ay Soomaalida uga wareegto isla markaana dalku galo masuuliyad caalami ah.

Qaabka ugu habboon ee loo hirgelin karo Roadmap ka waa inuu noqdo fursad ay dadka Soomaaliyeed qaybahiisa kala duwan uga tashadaan aayahooda, ku samaystaan dastuur, kuna soo doortaan dad matali kara rabitaankooda kana shaqayn kara xallinta colaadaha ka aloosan dalka oo sii muuqato inay sii kordhayso.
Shirka London

Shirweynaha caalamiga ah ee lagu qabanayo London, waxuu noqon karaa fursad in beesha caalamku fahamto saldhigga dhibaatada siyaasadeed ee Soomaaliya. Innagoo soo dhawaynayna dadaal kasta o dhibaatada Soomaaliya lagu soo afjarayo, waxaan soo jeedinaynaa:

1- In gundhigga xalka Soomaaliya uu yahay ilaalinta jiritaanka, qaranimada, madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Isku day kasta oo lagu wiiqiyo qaranimada Soomaaliyeedna meelmar ma noqon doono, waxaana ayaan darro ah inay maanta soo yeerto hirgelinta maamul hoose (interim Authority) iyo in qaranimada Soomaaliyeed loo gacangeliyo dawlado iyo hay’ado shisheeye.

2- In dib u soo celinta nabadgelyada dalka, la dagaallanka argagixisada iyo burcad badeedka ay ku suurtogali karto oo kaliya marka la dhiso dawlad Soomaaliyeed iyo ciidan qaran oo awood iyo karti leh. Xalka ciidamada shisheeye waa mid aan miro dhal noqon karin haddii anay jirin dawladnimo Soomaaliyeed iyo ciidan qaran oo awood leh.

3- Hannaanka dawladnimada waxuu ku imaan karaa dhismaha dawlad qaran oo dejisa dalka soona celisa kala dambaynta, hoggaamisana qaab xukunka lagu gaarsiiyo gobollada dalka iyadoo adeegsanaysa hab ay shacabka Soomaaliyeed raalli ka yihiin. Dadaaladda beesha caalamka qaarkeed iyo dawladaha deriska ee ah in la sameeyo maamul goboleedyo ku dhisma xoog ciidan shisheeye, waxay hurinaysaa colaado cusub ee beelaha Soomaaliyeed, waxayna fogaynaysaa dhismaha dowladnimo qaran.

Ugu dambayntii annagoo u mahadcelinayna hay’adaha iyo dawladaha garab istaagay shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqaynaa bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan inay gartaan marxaladdan taariikhiga ah ee xasaasiyadda badan, una istaagaan ilaalinta qaranimada, wadajirka iyo dhisidda dawlad ku salaysan rabitaankooda.

Saxiixayaasha

1- Md. Xasan Sheekh Maxamuud; Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka._____________
2- Sh. Bashiir Axmad Salaad; Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed_______________
3- Md. Cumar C/raxmaan Maxamed; Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo._____________
4- Md. Daahir Maxamuud Geelle; Guddoomiyaha Madasha Daljir._____________
5- Marwo. Ruqiya Cali Cabdulle; Guddoomiyaha Ururka Haweenka Nabadda iyo Dibuheshiisiinta___________
6- Md. Maxamed C/llaahi Maxamed ; Ks. Guddoomiyaha Golaha sare ee dhallinyarada Qaranka soomaaliyeed._________
7- Md.Maxamed c/laahi Maxamuud; Gudoomiyaha Midowga Ardayda Soomaaliyeed____________.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.