Darbi-jiif Ameerikaan ah oo feeray Muwaadin Soomaaliyeed oo…

Cornell White
Cornell White

Cornell White oo 56 jir ahna Derbi-jiife aan Hoy lahayn ayaa lagu soo oogay inuu Nin Somali oo ku hadlayey Luqadda Soomaaliga ku dhex feeray Bas ka mid ah Basaska Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalladda Minneapolis.

Dhacdadan oo dhacday bishan November 19-da ayaa waxa uu Eedeysanaha feeray Ninka Soomaaliga oo la hadlayey nin kale oo Soomaali oo la socday.

Dhibanaha ayaa u sheegay Boliska inuu Ninkaasi feeray, ka hor inta uusan ku khasbin inuu ku hadlo Luqadda Englishka.

Ninka Soomaaliga ayaa la sheegay in feerkii lagu boobsiiyey looga dhaawacay isha bidix.

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu sheegay inuu Dhibanaha aflagaadeeyey, kuna yiri Erayo Midab-sooc iyo Anshax-xumo kale lahaa.

Kameerada Qarsoon ee Baska ayaa laga daawaday falka feerka iyo aflaagada ee loo geystay Muwaadinka Soomaaliga.

Boliska waxay Eedeysanaha ka helean xaddi yar oo Daroogo ah oo uu watay, waxayna Maxkamaddu sheegtay inuu Eedeysanaha muteysan doono Xabsi 6 sanno ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here