Darawalada gaadiidka dadweynaha Muqdisho oo qaati ka taagan ciidamo xoog ku raaco (Sawiro)

Inkastoo ay magaalada Muqdisho amaankeedu soo hagaagayo marba marka ka danbeyso ayaa waxaa wali ka jira dhibaato la xiriirta ciidamada milatariga oo magaalada yaacaya.

Dhowr jeer ayey ka haldeen madaxda dowlada, kasoo bilow madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka arimaha Gudaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho in ciidamada milatariga ah iyo kuwa hubka la dhax yaacaya magaalada dhexdeeda in la xakameeyo.

Hase yeeshee laba maalin kadib marka ay booliska sameeyaan howlgalo arintaasi lagu xakameynayo ayey hadana sideedii kusoo laabataa xaajada.

Hada maalmahan ciidamdaasi waxay dhibaato ku hayaan gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalada dhexdeeda ee loo yaqaano BL-ka, iyaga oo labada dhinac kasoo qabsado baabuurka kadibna iska baxa iyaga oo aanan lacago dhiibeyn marka ay gaaraan halka ay rabaan.

Darawalada ayaa sheegay in inta badan ciidamada oo u badan milatari aysan dhiibin lacago, iyaga oo marka la weydiyo ugu hanjaba in ay dhaawici doonaan amaba dili doonaan hadii ay la hadlaan.

Waxaase jira taasi badalkeeda qaara iska bixiya lacagaha balse ma badna sida ay sheegayaan darawadala.

 

 



Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.