Danjire Sayid Shariif oo amaanay hab dhaqanka diblomaasiyiinta Soomaaliya

Danjire Sayid Shariif
Danjire Sayid Shariif

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Pretoria ee caasimadda South Africa ayaa maanta casuumaad ugu sameysay gudaha dhismaha Safaaradda diblomaasiyiinta ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee ku tababaranaya Dugsiga sare ee Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee South Africa .

Dhismaha Safaaradda oo ku yaala Xaafadda Hatfield , oo ay ku badan yihiin dhismayaasha safaaradaha kale ayaa lagu diyaariyay maqaaxida u gaarka ah cunto dhaqameedka Soomaaliya ay caan ku tahay sida Canbuulo galleey , Bun, Mash-mash, icun i calaaji ,shushumow,sambuus , xalwo,kac-kac,qaxwo ,daan-gawiis iyo moos Soomaali, waxaa kale oo halkaasi ka muuqday qalabka hiddaha iyo dhaqanka oo ay ka mid ahaayeen koor, tusbax,qulo,barkin qori iyo qudde , iyadoo diblomaasiyiinta ay halkaasi ka quraacdeen , halka qadada ay ka cunteeyeen Coloseum Hotel.

Safiirka Soomaaliya ee South Africa Danjire Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi oo madasha casuumaada oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay hab dhaqanka sharfan ee diblomaasiyiinta tababaranaya oo uu ku tilmaamay kuwa sare u qaaday heybadda, sharafta iyo isku xirnaanta , waxa uuna yiri “ waxaad tusaale wanaagsan u noqoteen ummadda Soomaaliyeed , waxaadna guul u tihiin howsha bilowga leh ee tababarka ay abaabushay safaaradeena cusub , waxaan rajeynayaa in tababar kan ka duwan oo lagu tayeynayo aqoonta iyo xirfadda howlwadeenada kala duwan ee ka kala tirsan xafiisyada Madaxweynaha , Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha lagu qabto halkaan, waxaad tihiin iftiin mustaqbal leh oo Soomaaliya u soo baxay, waxaad inoo soo jiideen wanaag iyo sumcad”.

Waxaa lagu wadaa in 28-ka bishan la soo afjaro tababarka heerkiisu sareeyo oo uu u socdo 21 diblomaasi Soomaaliyeed oo muddo sanado ah ka shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga , waxaana tababarkan uu qeyb ka yahay tababaro Wasaaradda ay ku horumarineyso habka shaqo ee shaqaalaheeda kala duwan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here