Danjire Nuur Cade oo ka walaacsan dhibaatada Soomaalida ku heysato Talyaaniga

Danjiraha dowlada KMG Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen ayaa faah faahiyey dhibaatada Soomaalida magangalyo doonka ah ku hyesato qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Nur Cade oo la hadlayey qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay haatan jiraan Soomaali badan oo ku dhibaateysan Talyaaniga kuwaasi oo ay isugu darsantay shaqo la,aan iyo sharci la,aan.

“Soomaalida dhibka halkan Talyaaniga ku heysto waxa waaye, iyaga oo marki ay halkaan yimaadeen faro loogaga qaaday kadibna u gudbay dalalka kale ee Yurub, dalalkaasina dib ayey ugu soo celiyaan Talyaaniga, marka waa arin dhib badan,” ayuu yiri Nur Cade.

Dhanka kale wuxuu sheegay in ay ka war qabaan qoysas badan oo ay dowlada Holland dooneyso in ay Soomaaliya kusoo celiso kadib marki ay kasoo bixi waayeen shuruudihi lagu siin lahaa magan galyada.

Dhawaan ayaa dowlada Holland waxay ku dhawaaqday in ay magaalada Muqdisho ku celin doonto qoysas Soomaaliyeed oo ay ku jiraan caruur iyo haween kuwaasi oo waayey sharciga dal ku jooga dalkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.