Danjire Mahiga oo taageeraya doorka dowlada ee magaalada Kismaayo

Ergeyga Qaramada Midoobay ugaga wakiilka ah Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ku taageeray dowlada Soomaaliya doorkeeda hogaamineed ee arrimaha dalka Soomaaliya gaar ah gobolada Jubbooyinka.

Mahiga oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay tahay tan mas’uulka ka ah arrimaha Soomaaliya xallinta mashaakilka dhinaca maamulka magaalada Kismaayana iyada laga doonayo.

Warkan ka soo yeeray Mahiga ayaa imanaya maalin kadib markii uu afhayeen u hadlay ururka Raskamboni ee uu hogaamiyoa Axmed Madoobe uu sheegay in dowlada Soomaliya aysan soo dhisida maamulka Kismaayo waxba ku lahayn oo ay arrimaha Kismaayo go’aan loogaga gaarayo kulan ka socda magaalada Nairobi.

Mahiga ayaa shirkiisa jaraa’id waxa uu ku amaanay ammaanka ka jira magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxana uu tilmaamay in dib u dhis weyn uuka socda magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Mahiga in xiliyada habeenkii uu ganacsigu socdo dadkuna ay socdaan saqda dhexe iyagoo aan la kulmeyn wax dhibaato ah.

Mahiga ayaa tan iyo markii dowlada rasmiga ah ka dhalatay dalka Soomaaliya laga dareemayaa in uu wax ka bedelay hab dhaqankiisii hore waxaana muuqata in uu hadda wax walba oo dalka Soomaaliya quseeya uu ugaga dambeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo laga sugayo in uu ku dhowaaqo dhowaan R/wasaare uu yeesho Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here