Danjire Mahiga oo ka hadlay arrimo badan

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augustine P. Mahiga ayaa warqad uu soo diray Soomaalida ku nool waddanka iyo dibediisa waxa uu uga hadlay arrimo badan.

Mahiga ayaa ugu horreyn hambalyo u diray dadka Soomaalida, iyadoo sannadka cusub ee 2013-ka uu maanta yahay kow.

Waxa uu sheegay in weli Soomaaliya ay u baahan tahay taageero beesha caalamka, si loo adkeeyo wax yaabihii hirgalay sannadkii la soo dhaafay.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya ay tahay mid aan fududen isla markaana ay ku baahan tahay dedaal faro badan.

Wuxuu warqada uu soo diray Mahiga ku sheegay in tan iyo sannadkii 1991-dii Soomaaliya ay ka dhasheen kooxo dagaal oogayaal ah, Islaamiyiin xag jir ah, kuwaasoo saameen ku yeeshay waddamada dariska ah.

Wuxuu yiri bishii August Soomaaliya waxa ay sameesay wax taarikhi iyadoo markii ugu horreysay 20-sano lagu dhaariyay gudaha dalka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

“Markii lagu guul dareestay in la soo afjaro xilligii ku-meel-gaarka, waxa aan ku guuleesanay sannadkii hore in la sameeyo wax yaabo taarikhi noqday” ayuu yiri Mahiga.

Dalka wuxuu yeeshay dowlad rasmi ah, waxa loo sameeyay dastuur, waxa kaloo Al-Shabaab laga qabsaday magaalooyin muhiim ah sida Kismaayo, Marka iyo Jowhar. Ayuu ku sheegay Mahiga warqada uu soo qoray.

Ugu dambeen danjire Mahiga waxa uu rajeeyay dadka Soomaalida in sannadkan maanta 1-da ah in uu noqdo mid kheyr iyo horrumar gaarsiiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here