Danjire Mahiga oo haweenka Soomaaliyeed ugu hambaliyeeyay 8-Marso

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya dajire Augustine Mahiga ayaa ugu hambaliyeeyay haweenka Soomaaliyeed 8-da Maarso oo ah maalinta haweenka adduunka.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayuu Mahiga ku sheegay in xuska sanadkaan ee maalinta uu haweenka Soomaaliyeed uga duwan yahay kuwii hor, madaama markii ugu horreysay ay 35 xubnood ku yeesheen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in haweenka xildhibaannada ah looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan danaha haweenka, ayna qaadaan tallaabooyin lagu hubinayo in si weyn loo yareeyo xadguduyada ka dhanka ah haweenka.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay inaan la hilmaamin in haweenka ay wajahayaan rabshadd iyo takoorid, wuxuuna tilmaamay inay waajib tahay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo tuhunka la xariira kufisga, kooxaha ka dambeeyana caddaaladda la horkeeno.

Ugu dambeen Mr. Mahiga wuxuu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay muujiyeen kaalinta ay ka qaadan karaan xallinta khilaafaadka, dib-u-dhiska dalka iyo inay dalka u horseedi karaan barwaaqo.