Danjire Kay oo ka hadlay tacaddiga weriyeyaasha loo gaysto

Nicholas Key
Danjire Nicholas Key

Ergeyga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qarama Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in loo baahan yahay in la horumariyo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

Hadalka Kay ayaa imaanaya xilli maanta caalamka looga dabbaal-degayo maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka.

Danjire Nicholas Kay ayaa tilmaamay in uu hoos u dhac ku yimid tacaddigii iyo dilalkii qorsheysnaa ee loo geysan jiray weriyeyaasha, balse loo baahan yahay dadaal dheeri ah si meesha looga saaro dhibaatooyinka loo geysto.

Wuxuu ammaan u jeediyay wariyeyaasha Soomaalida ah ee u dhabar-adeygaya dhibaatooyinka loo geysnayo xilliyada ay waajibaadkooda gudanayaan.

Danjiraha ayaa caddeeyay in ay Soomaaliya hadda ka soo baxeyso colaado raagay,  welina ay ka mid tahay meelaha ugu halista badan adduunka ee ay weriyeyaashu ka howlgalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here