Danjire James Swan oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Kismaayo

Danjiraha gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya Kismaayo in si deg deg ah dagaalka u joojiyaan .

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska dajire Swan ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu aad uga walaacsan yahay warka sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka, gaar ahaan wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalka.

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haysta Kismaayo inay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, kana fogaadaan ficillada daan-daansiga ah ama hadallada ka hor tagi kara in la gaaro xal ay dhinacyadu u wada dhan yihiin.

Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay nasiib darro ku tilmaamtay in dagaalka Kismaayo uu dhacayo xilli wada-hadallo toos ah uu dhex marayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda Jubbaland.

Isku sooo duub maalintii labaad ayaa waxa dagaal xooggan uu ka socdaa magaalada Kismaayo, kaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad  kala taabacsan Axmed Maxamed Islaam “Axmed  Madoobe”  iyo Barre Aadan Shirre ” Hiiraale”.

Dhinaca kale, waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dashay dagaalka maalintii labaad ka socda Kismaayo,  Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada dad 50-qof ku dhow oo u badan shacab ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas dagaalka loo adeegsanayo, iyadoo dhinacyadu ay isku riix-riixayaan xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here