Danjire Cali Ameeriko oo Si kulul Uga Hadlay Soomaalida Nairobi lagu Xir Xiray

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya ayaa si kulul uga hadlay xariga Dowlada Kenya ay kula kacday Shacabka Soomaaliyeed ee dagan Magaalada Nairobi, gaar ahaan Xaafada Islii.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay Falalka ay ku kaceyso Dowlada Kenya ee ay Xabsiyada ugu gureyso shacabka Soomaaliyeed ee dagan Xaafada Islii.

Amb. Ameeriko ayaa sheegay in Soomaali gaareysa ilaa 200 ay Ciidamada xabsiga dhigeen, isagoo sheegay inaysan lahayn wax dambi ah ama lug ku leh falalka amni darada ah ee ka socda xaafada Islii.

” Waan ka xumahay in Dowlada Kenya ay Soomaalida iska xir xirto, taasna waxa ay tahay dhibaato soo foodsaartay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi ” waxaa sidaa yiri Danjire Cali Ameeriko oo aad uga xanaaqsanaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada ay isaga xareysataya Dowlada Kenya.

Safiirka ayaa sheegay in ay kala hadleen Dowlada Kenya sidi loo sii deyn lahaa Dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, wuxuuna sheegay inaysan wax dambi ah lahayn soomaalida xiran.

Maalmihii dambe Dowlada Kenya waxa ay xabsiga dhigtay Soomaali badan, iyadoo ku eedeeyneysay inay ka dambeeyaan qaraxyada aka dhaca xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here