Danjire Augostine Mahiga oo fariin u diray Soomaalida qurbajoogta ah

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in  uu rajo weyn ka qabo, in mudadda ka dhimin xiliga kala guurka Soomaaliya ay ku dhamaato siddii la rabay.

Danjire Mahiga ayaa warqad uu u diray qurba joogta Soomaalida sheegay in Soomaaliya ay wax badan iska badashay, oo ay ka mid tahay xagga ammaanka, wuxu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isla markaana ay ku dhow yihiin qabsashada magaalada dekadda leh ee Kismaayo oo ah magaallo ay ku xoggan yihiin ururka Al-Shabaab.

Danjire Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in ka hor 20 August ay dowladda dhaqan gallin doonto wax-yaabaha u dhiman oo ay ka mid tahay in la ansixiyo dastuurka Soomaaliya, oo uu sheegay in lagala kaashaday quburo ka socda wadamada Islaamka sida Bangaladesh iyo Afghanistan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in in shirar badan loo qabtay Soomaalida oo uu ka mid yahay midkii ugu dambeeyay bishii June ka dhacay magaalada Nairobi, iyo kuwa kale o ka dhacay magaalooyinka London, Istanbul, Addis Ababa, Nairobi iyo Rome, kuwaas oo ahaa ayuu yiri kuwa fariimo loogu diraayay beesha caalamka si ay gacan uga geestasan xaaladda Soomaaliya,

Wuxuu sheegay in shirka ugu dambeeyo uu dhici doonoo bartamaha bishan kaa oo noqon doona midkii lagu ansixin lahaa dastuurka dalka.