Danjire Annadiif: “Ciidamada Kenya waa ay sii joogayaan Kismaayo”

 

Danjire Annadiif: "Ciidamada Kenya waa ay sii joogayaan Kismaayo"
Danjire Annadiif: “Ciidamada Kenya waa ay sii joogayaan Kismaayo”

Midowga Afrika ayaa maanta shaaciyay in ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo iyo Jubbooyinka ay sii joogi doonaan halkaas.

Shir saxaafeed uu ku qabtay Muqidsho Danjire Ana’if ayuu ku sheegay ciidanka Kenya in ay sii joogayaan Kismaayo isagoonta intaas ku daray ciidamo kale oo ka socda Burundi iyo Nigeria lagu biirin doono.

Dhinaca kale, danjire Annadiis ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in Shabaab laga tir tiro dalka Soomaaliya, Wuxuuna farta ku fiiqay dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale.

Wuxuu xusay in AMISOM ay ballaarineyso howlgallada Soomaaliya looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in goor dhow dalka Soomaaliya uu noqon doono meel ka caaggan argagixisada.

Wuxuu ka codsaday saxaafadda iyo shacabka Soomaaliyeedba iney gacan ka geystaan ololaha dalka looga sifeynayo maleeshiyaadka Shabaab.

Hadalka danjiraha ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ciidamo ka tirsan XDS oo ay wehliyaan kuwo AMISOM ah ay shabaab ka xoreeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose sida deegaanka Gendershe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here