Danjire Ameeriko oo hortagaya Baarlamanka

cali ameerikoDanjiraha Soomaaliya u fadhiyay Kenya Mudane Cali Nuur Ameeriko oo shalay ku laabtay Muqdisho, kadib markii ay u yeeertay DF, ayaa lagu wadaa inuu hortago Baarlamanka DF.

Afhayeenka Baarlamanka DF, Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa ka dhawaajiyay, in danjiraha uu maalmaha soo socdo hortagi doono Golaha shacabka, sii uu tafaasiil uga bixiyo Xaalada dadka Soomaaliyeed ee ka buuxa Xabsiyada dalka Kenya.

“Danjiruhu wuxuu imaan doonaa baarlamaanka si uu sharraxaad uga siiyo xildhibaannada baarlamaanka howlgallada lagu qabqabanayo Soomaalida iyo xarigii booliska Kenya ay u geysteen qunsulka safaaradda Somalia ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire,” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu soo gaaray Muqdisho shalay oo Axad ahayd danjire Maxamed Cali meerika oo ay u yeertay xukuumadda Soomaaliya si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan xarigga lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool.

Xukuumada Soomaaliya oo aan markii hore si wanaagsan uga hadal tacadiyada ay Kenya ku hayso shacabka Soomaaliyeed, ayaa goor danbe ka gil gilatay xarig loo geystay Qunsul ka tirsan Saafarada Soomaaliya ee Kenya.

Kenya ayaa si cad ugu tumatay xuquuqda shacabka Soomaaliyeed kan Doowladeedba, waxaana ay maalin walbo dil iyo xarig ku haysaa shacab kasoo qaxay dhibaatooyin dalkooda kajira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here