Danjirayaasha Mareeykanka & midowga Yurub oo ka baxay caleemo-saarkii Museveni

Yuweri Museveni oo markii 5-aad loo caleemo saaray inuu sii maamulo Uganda
Yuweri Museveni oo markii 5-aad loo caleemo saaray inuu sii maamulo Uganda

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ergadii Maraykanka ee ka qayb galaysay caleemasaarka madaxweyne Yoweri Museveni ay xafladda ka baxeen ayagoo cabanaya.

Dhowr diblomaasi oo ka kala socday Yurub iyo Kanada ayaa iyagana ka baxay xafladda oo socota, ka dib markii uu Mr Museveni hadallo liidid ah ka sheegay maxkamadda caalamiga ee dambiyada.

Haweeney u hadashay waaxda waxay sheegtay in ergada Maraykanka, oo uu ku jiray danjiraha u fadhiya Uganda, ay sidoo kale ka biyo diideen joogitaanka hogaamiyaha Suudaan Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo maxkamaddu u doon-doonayso dambiyo xasuuq la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here