Danjiraha UK u fadhiya Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka al-shabaab lagula jiro

Amb. David Concar, Safiirka Britain u fadhiya dalka Somaliya, ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee dalka iyo dagaalka maanta lagula jiro maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Safiirka, ayaa sheegay in dhawrkii sano ee la soo dhaafay ay xaaladdu ahayd is mari-waa u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Somaliya oo garabsanaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo Ururka Al Shabaab oo dhinac ah.

“Amnigu waxa uu ka mid yahay arrimaha ugu waaweyn ee tahay in laga hadlo Somaliya. Xaaladda dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd is mari-waa u dhaxeeyay Xoogaga Midowga Afrika iyo Ciidamada Somaliya oo la wareegayay magaalooyinka ay dadka badani ku nool yihiin iyo kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab, oo weli haysta xoriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan, gacantana ku haaya meelo badan ka mid ah dhulka miyiga, gaar ahaana Koonfurta & Bartamaha Somaliya. Sidaa daraadeedna waxaa loo baahan yahay in iminka horumar laga gaaro arrintaasi.” Ayuu yiri Safiirka oo la hadlay BBC.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri “Ciidamada Somaliya oo garab ka helaya Ciidamada Amisom waxay hadda jooggaan meelay ka bilaabi karaan gacan ku haynta Koonfurta & Bartamaha, balse way adag tahay dhawr sababood awgood, sababahana waxaa ka mid ah abaarta iyo xaaladda bani’aadanimo.”

David Concar, ayaa intaa raaciyay “Sidaasi daraadeed waxay ila tahay in qof kastaa uu garwaaqsan yahay xaqiiqda ah in abaaraha si taxadar leh loola tacaamulo, wayna adag tahay, waayo Shabaabka deegaanadaasi jooggaa dadka ayay aad ugu dhex jiraan, xoog ayayna ku haystaan meelo badan oo dalka ka tirsan. Hadaba uma baahna dadaal militari keliya ee waxay u baahan tahay dadaal quluubta lagu hananayo iyo tan ugu muhiimsan oo ah damaanad in dadka la siiyo.”

Ururka Al Shabaab, ayaa ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka Somaliya iyo joogitaanka Amisom ee dalka.Al shabaab ayaa 90 oday ku xidhay deegaanka Xarar Dheere ka dib Markii ay diideen in ay ay qoraan dhalinyarada ku biirista Ciidan ay halkaasi ka qoranaayen kooxda Al Shabaab.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here