Danjiraha Imaaraadka u fadhiyay Muqdisho oo fariisin ka samaystay Nairobi

safiirDanjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho Ahmed Osman Alhamaadi, ayaa labadii Bilood u dambeysay ka guuray xafiiskiisa magaalada Muqdisho, waxaana uu saldhig KMG ah ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu ka wado Howlihiisa.

Safiirka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kullamo qarsoodi ah xafiiskiisa Nairobi kula yeelanayay qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa u sharaxan xilka madaxweynaha, kuwaasoo uu kala hadlayay danaha Imaaraadka iyo arrimaha Doorashooyinka.

Danjiraha ayaa labadii bil ee u dambeeya imaan magaalada Muqdisho sababo la xiriira dhaleeceyn uu muddooyinkii u dambeeyay uu kala kulmay dowladda iyo dhinacyo kala duwan oo ku aadan inuu ku xadgudbay anshaxa iyo xeerka diblomaasiyadda, isla markaana uu faraha la galay arrimo ka baxsan diblomaasiyada.

235

Inta badan shaqaalihii Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa sababo aan la shaacin looga qaaday Muqdisho, waxaana laga yaabaa in arrintan la xiriirto fara gelinta tooska ah uu Imaaraadka ku hayo arrimaha Soomaaliya iyo dhaleeceynta uga imaanaysa Dadka Soomaaliyeed.

Imaaraadka Carabta ayaa taageereyaa Musharaxiin gaar ah, si ay uga takhalusto Madaxweyne Xasan Sheekh iyo taageerayaashiisa oo mar kale dadaal ugu jira inay xukunka ku soo laabtaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay ka gudbiso dacwad Safiirka Imaaraadka Carabta oo ku aadan hab dhaqankiisa iyo fara gelinta uu ku haayo siyaasada arrimaha gudaha, waxaana dacwadaas wehlin doona eedeymo la xiriira musuq maasuq mashaariic horay Imaaraadka Carabta uga waday Soomaaliya oo aan loo fulin sidii balanta aheyd.

Mashaariicdaas ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Isbitaalka Sheekh Zaa’id oo laga hirgeliyay dhismihii Xaruntii Visha Bra ee degmada Shingaani, waxaana qarasha loogu tala galay dhismaha Isbitaalkan uu yahay mid ka badan kan Turkiga ku dhisay Isbitaalka Digfeer, waxaana dad badan ay sheegaan in isbitaalka Sheekh Zaa’id iyo midka Digfeer ee loogu magac daray Madaxweynaha Turkiga aanay isku heer aheyn,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here