Danjiraha cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Ingiriiska oo la magacaabay

Shirkii Golaha wasiirrada ay ku yeesheen maanta xafiiska Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shir guddoon ka ahaa mudane Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana looga hadlay Ajendayaal muhiim ah, iyadoo war-bixin laga dhageystay xubnaha wefdigii Ra’iisul wasaaraha ee wadamada gobolka safarrada ku soo kala bixiyey, kuwaas oo faah faahin ka bixiyey waxyaabaha u soo qabsoommay.

Wasiir ku xiggeenka Warfaafibta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane Ibraahim Isaaq Yarow ayaa warfidiyeennada war-bixin ka siiyey qodobbada ugu muhiimsanaa ee shirkooda, isagoo sheegay in goluhu ay ansixiyeen safiirka Soomaaliya u fariisanaya dalka Ingariiska oo loo magcaabay mudane C/llaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe.

Sidoo kale wasiir ku xiggeenka Warfaafinta ayaa tilmaamay in isla maanta la meel mariyey xeerka la dagaallanka argagixisada, isla markaana xeerkan uu noqon doono mid lagu qaado tallaabo amni oo muhiim ah, iyo howlo kale oo arrimaha dibedda ku saabsan.

Ugu dambeyn mudane Ibraahim Isaaq Yarow ayaa hoosta ka xariiqay in shirka looga hadlay sidii loo soo nooleyn lahaa Bangigii Ganacsiga Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed ay iga faa’ideystaan horumarka dalka ka socda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waddo xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed iyo sidoo kale dar dargalinta xaslinta ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxaana go’aannada shirka golaha wasiirrada ka soo baxay maanta dhammaantood ay ahaayeen kuwa ay ku calaamadeysan yihiin horumarka dowladda Federaalka Soomaaliya ay hiigsaneyso.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here