Damaca xasan Sh & Jilaafada ay la damacsanyihiin Siyaasiyiinta Daarood

midnimoMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku dadaalaaya qaababka ugu sahlan ee uu ku heli lahaa Codadka Xildhibaanada Maamul Goboleedyada dalka uga mid noqon doona BFS.

Damaca Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ah inuu helo Codadka Xildhibaanada 4 maamul Goboleed oo uu shan ku yahay maamul Goboleedka iminka loo dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Siyaasiyiinta Beesha Daarood oo ka duulaaya damaca Xassan Sheekh isla markaana doonaaya inay ka soo miyaan helida Codadka Xildhibaanada uga mid noqon doona BFS, ayaa isku aadistay Gobollada ugu badan, iyaga oo sidoo kale isla meel-dhigay in la carqaladeeyo shirka maamulka loogu dhisaayo ee ka socda magaalada Jowhar, si Xassan Sheekh looga hor istaago in halkaasi uu cod ka helo.

Beesha Daarood ayaa iminka gacan ku heysta 2 maamul iyo Bar oo kala ah Jubbaland, Puntland iyo qeybta Bakool oo ay sheegan inay iyaga ka degaan maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku tashanaaya maamulka Galmudug oo ah maamul Hawiye iyo qeyb kamid ah maamulka Koonfur Galbeed oo aan wali la hubin in Shariif Xassan uu codadka maamuladiisa kula heshiin doono Xasan Sheekh iyo in kale.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta iyo maamulada Beesha Daarood oo wata ilaa 3 Musharax ayaa dhaqaale ku bixinaaya fashilinta maamulka cusub ee loo dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, iyaga oo diidan in Xassan Sheekh uu cod ka helo Xildhibaanada Maamulkaasi uga midka noqon doona BFS.

Waxa ay xoogooda isugu geynayaan in Xasan Sheekh ay ka soomiyaan Xildhibaanada Gobol waliba oo suuragalinkara inuu cod ka helo, iyaga oo sidoo kale dhanka dhaqaalaha arrintaasi kala kaashanaaya Dowlada Ethiopia oo aan raali ka aheyn in Xassan Sheekh uu soo laabto.

Waxaa leys weydinayaa halka uu Xassan Sheekh codadka ka heli doono maadaama uu diiday in Maqaamka Gobolka Banaadir kor loo qaado si halkaasi uu uga helo codad u kaba kuwa yar ee uu ka heli doono Xildhibaanada Cusub Damul-jadiid ee uu isaga wata.

Arrintaani ayaa noqoneysa caqabad hor leh oo Siyaasiyiinta Daarood ay hordhigeen Xassan Sheekh marba haddii ay heystaan 2 maamul iyo Bar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here