Dalxiiska India oo hoos u dhacay sababo la xiriira Kufsiga

Falalkii ugu danbeeyay ee Kufsiga ahaa, kana dhaca wadanka India, ayaa sababay ineey hoos u dhacaan dadka reer galbeedka ah, ee dalxiiska u imaan jiray wadankaas,gaar ahaan dumarka.

Warbixintaan ayaa lagu xusay daraasad ay dhawaan sameyeen 1200 oo shirkadood, kuwaasoo ku shuqul leh arimaha dalxiiska Caalamka.

India, ayaa waxaa bishii lasoo dhaafay ka dhacay fal aad u fool xun oo Kufsi ahaa, kaasoo lagula kacay gabar ardayad ahayd, taasoo markii danbe u geeriyootay dhaawacyadii ay u geyteen ragii kufsaday, sidoo kale waxaa jirtay in kooxo burcad ay kufsi u geysteen laba hablood oo dalxiisayaal ajnabi ahaa.

Dalxiiska dalka India ayaa hoos u dhacay 25% 3 bilood ee lasoo dhaafay, markaasoo ay dhaceen weeraro is daba joog ahaa, kuwaasoo lagu kufsaday gabar reer India ah iyo laba haween dalxiisayaal ah.

Hawenka usoo dalxiis taga dalkaas ayaa la sheegay in 35% ay hoos u dhaceen.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii haweeneey u dhalatay dalka Switzerland ay kooxo burcad ah ku kufsadeen wadanka India, xili ay ku safreysay qaar kamid ah gobolada dalkaas.

Muwaadiniinta dalka Britain, ayaa ah kuwo ugu badan ee u dalxiis taga dalka India.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here