Dalxa:“Doowladaan wax iiga asxaab badan malahan wax ka shiid badana ma arag”

Doowlada Soomaaliyeed ee hada jirta ayaa wax badan kaga duwan doowladihii KMG ahaa ee dalka Soomaamulay, iyadoo Siyaasiyiin badan oo u bartay ineey iska dal dashaan lacago aan xisaab lahayn hada la xadiday.

Doowlada uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa xooga saartay ineey xadido oo ay mushaarkooda ku ekaadaan masuuliyiinta doowlada, sida Xilibaanada, Wasiirada, iyo dhamaan shaqaalaha Doowlada.

Xiligii doowladihii KMG ay ka talinayeen wadanka, ayaa waxaa aad u baahay musuq maasuqa, iyadoo ay dhici jirtay in masuul la ordaya warqad uu kasoo saxiixday madaxda doowlada tago Bankiga lacag farabadan uu iska soo qaato.

Hadda waxaas oo dhan waa dhamaadeen, masuuliyiintii qaar ayaad arkeeysaa iyagoo wacanaya qaraabadooda dibada, kana codsanaya in loo soo dhiibo lacag, sidoo kale madaxtooyada markaad tagto kuma arkeysid madaxdii iyo dadkii faraha badnaa ee is dhex yaaci jiray.

Hadaba aan usoo daa dagno dulucda moowduucan, Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shalay mar laga soo baxay Salaadii Khudbada oo ku dukaday Masaajid ku yaala madaxtooyada, waxa uu yiri sida tan.

“…Caageyga biyaha ah horay ayaan usoo qaatay, maxaa yeelay doowladaan wax iiga Asxaab badan ma arag, wax ka shied badana ima soo marin…” ayuu yiri dalxa oo kaftamayay, balse muujinayay in doowladaan ay xanibtay dhaman dhaqaalihii ay masuuliyiinta sida xisaab la’aanta ah isaga qaadan jireen.

Mid kamid ah masuuliyiinta doowlada ee ka shaqeeya Bankiga dhexe, ayaa noo xaqiijiyay in hada Bankiga ay taalo lacag aad u farabadan, islamarkaasna ay yaraadeen masuuliyiintii iska dal dalan jiray lacagta doowlada, waxaana uu sheegay in warqd uusan soo saxiixin madaxweynaha aan lacag loo bixin Karin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here