Dalka Soomaaliya xor ma ahan ee waxuu ku jiraa gumeysi (Neocolonialism) Faallo

aden3-391x500Wax badan waxay dhagahaha yaga maqlaan dal hebel waa xor, dal hebelna xor ma ahan!  Haddaba, su’aasha meesha taalaayi waxay tahay, maxaa lagu kala gartaa dalka xorta ah iyo kan aan horta aheyn?

Inta aanan gudo galin ka jawaabista su’aasha sare iyo gundhigga qormadaan, aan isku dayo in aan fasiro erayo macnahooda afka qalaad (Ingiriis ama Latin) naga soo galay oo la xariira qormadaan, kuwaasoo sida aan isleeyahay ay muhiim tahay in wax laga ogaado si akhristaha ay ugu sahlanaato fahanka nuxurka ay qormadani xambaarsan tahay. Erayadaasi waxay kala yihiin:  Independent, dependent, colonialism, neocolonialism, iyo imperialism.

MACNAHA ERAYADA AFKA QALAAD EE SARE KU XUSAN WAA:

Independent:  Macnaheedu waa madax-banaai ama isku filnaasho.

Dependent:  Waa noole, dal, ama walax aan kaligeed istaagi karin ama madax banaaneyn

Colonialism:  Waa nidaam uu gumeystaha ku maamulo wadan, dhul ama dad aan madax banaaneyn ama xor aheyn. Colonialism – waxaa kale oo la oran karaa, waa marka uu dal xoog leh qabsado dhul iyo dad aan taag badneyn, dabadeedna la wareego talada iyo qeyraadka uu dalkaas leeyahay.

NeoColonialism:  Macnahiisu waa nidaam gumeysi cusub oo dadban oo ay wadamadii wax gumeysan jiray ilaa iyo hadda u isticmaalaan wadamadii ka xoroobay.  Nidaamkaan ayaa loogu tala galay in shirkadaha ganacsi ee ajnabiga ee aan dowliga aheyn (private foreign business), ama kuwo ay leeyihiin dowladihii wax gumeysan jiray oo magac kale wata si ay si dadban u xadaan ama u boobaan qeyraadka wadanka tabarta yar ee horay loo gumeysan jiray, ayada oo aanay meeshana ka maqneyn in dalkaas tabarta yar taladiisa mar walba saameyn weyn lagu yeesho.

Imperialism: Waa qorshaha ama siyaasadda uu gumeystaha ku balaarsado in uu ku xukumo dal iyo dad aan kiisa aheyn, si ay gacantiisa ugu sii jiraan oo aanay madaxbanaani u helin.

Sovereignty:  Waa sareynta awood u lahaashaha xukun dal madax banaan, ayada oo cidda wadanka, ama gobolkaas sida tooska ah taladiisa oo dhan gacanta ugu haysana uu yahay ama tahay kuwo u dhashay dalkaas xorta ah.

Haddaan intaas uga gudbo macneynta erayada afka qalaad ku jira ee qormadaan quseeya, aan iminkana u gudbo inta ugu muhiimsan tilmaamaha lagu yaqaano dal xor ah ama madax banaan iyo mid aan xor aheyn.

TILMAAHAMA LAGU GARAN KARO DAL XOR AH WAA IN UU:

Leeyahay sharci dhameys tiran oo lagu kala danbeeyo, kaasoo ay qasab tahay in dhamaan bulshada dalkaasi ku dhaqan ay ixtiraamaan, dowladdana ay kor kala socoto hergelinta iyo ku dhaqanka sharcigaas.

Leeyahay qorsheyn iyo jaan goyn siyaasadahiisa gudaha iyo tan dibadda

Sugo ama adkeeyo amniga Qaranka

Dhowro xuduudihiisa dhulka, cirka iyo dhul biyoodka (Territorial waters)

Dejiyo jaan goyn miisaaniyad sanadeedka Qaranka

La dagaalamo musuq-maasuqa, nin jecleysiga, maamul xumada iyo sicir bararka

Kor u qaado mashaariicda adeegga bulshada, horumarinta caafimaadka, waxbarashada, jideynta, ciidamada iyo arrimaha bulshada.

TILMAAMAHA LAGU GARAN KARO DAL AAN XOR AHEYN WAA:

Haddii ay xuduudaha uu dal leeyahay kala qoqoban yihiin, oo cidda talada wadankaas haysa aanay gobolo badan oo wadankaas ka mid ah ka talin, lama oran karo dalkaas waa madax banaan yahay.

Haddii xuduudaha wadanka ee dhinacyada: Dhulka, cirka iyo biyaha uu dal leeyahay cidii rabta ay iska soo gasho ayada oo aanay jirin cid awood u leh in ay ilaaliso, lama oran karo dalkaas waa madax banaan yahay.

Haddii amniga uu dal leeyahay uu faraha ka baxo, shacabka dalkaasna uu sharciga gacmahiisa ku qaato, waxaa la oran karaa dalkaasi maamul iyo dowlad midna kama jiro, balse waxuu ku jiraa xaalad qas iyo jahawareer ah (lawlessness and anarchy.)

Haddii muddo dheer uu dal dowlad la’aan ahaado, isla markaana dadka dhulkaas ku dhaqan ay awoodi waayaan in ay dowlad ay heshiis ku yihiin dhistaan, dalka noocaas ah waxaa loogu yeeraa dal fashilmay oo aan sameysan karin nidaam iyo kala danbeyn dowladeed (failed state), madaxbanaanida dalkaasna taam ma ahan, waayo dalkuba waa baylah oo ma ahan mid ay dowladi ka taliso, sidaas awgeed, lama oran karo dalkaasi waa madax banaan yahay.

Haddii talada uu dal leeyahay laga maamulo dibadda wadankaas, sida in ay maamulaan wadamo shisheeye, hay’ado caalami ah, iyo shaqsiyaad ajnabi ah oo dano gaar ah ka leh (foreign governments, international NGO’s, foreign individuals or interest groups), lama oran karo dalkaas waa madax banaan yahay.

Markii uu qilaaf soo dhex maro madaxda dalka, haddii ay awoodi waayaan in ay dhexdooda ka heshiiyaan ama baarlamaanka uusan laheyn awood iyo sharci uu wixii qilaaf ah oo yimaada ku kala saaro, heer marka danbe mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaas ay ka caado yeeshaan qilaaf kasta oo dhaca xal u helistiisa in ay la hoos galaan quwado shisheeye, dalka uu ka jiro nidaam sidaas ah laguma tilmaami karo dal xor ah.

Haddaba, marka la eego qodobada sare ku qoran iyo kuwo kale oo aanan halkaan lagu soo koobi karin, Soomaaliya laguma magacaabi karo waa dal xor ah (Independent State), ee sida aan qabo dalku waxuu ku jiraa gumeysi dadban (Neocolonialism).

Dhanka kale, waxaa muuqata, in gumeyste-yaashii hore ee Soomaaliya waxa ay heshiiska ku yihiin ay tahay dhaqan gelinta iyo adeegsiga mabaadi’da gumeysiga cusub ee “neocolonialism” oo ah in Soomaaliya la maaweeliyo, la jaho wareeriyo, ilaa ay inta wax fahmeysa ka tagayaan (ka dhimanayaan), si markaas ay u mustaqbalka u suurtagasho in si sahal ah dadka, dhulka iyo qeyraadka dhex ceygaaga si dhib yar loola wareego.

Suurtagal ma ahan in hal bog lagu soo bandhigo debin daabyada iyo siraha qarsoon ee Soomaaliya ku wajahan, ayada oo nasiib darada taas kasii daran ay tahay, in jinsiga Soomaaliga uu xaalkoodu la mid yahay “lax dhukan, col iyo abaar moog“, iyo in aanayba war iyo wacaal u haynin karaama darada, iyo mustaqbal la’aanta ay dhabarka u riteen ee ay ubadkooda uga tagayaan.

Qofka waxa ugu weyn ee inta uu nool yahay uu weheshado waxaa ugu horeeya in uu lahaado “Qab” ama “Pride“, haddii qabkaas lagaa waayana, waxuu noqonayaa qof aanan jirin, dabadeedna waxaa iska raranaya qof kasta oo dan ka leh, waana taas marxaladda hadda iiga muuqata umaddii waa la oran jiray “waa kuwo isla qab weyn!.”

Isku soo duuboo, waxaa hubaal ah, haddii aanan mustaqbalka dhow la helin dhalinyaro sidii 13-kii SYL ka madax banaan qabiilka iyo ku dhaqanka qabyaaladda, oo la yimaada farsamo ka gedisan tan 22-kii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya lagu maaweelinayay, in meesha ay Soomaaliya ku socoto ay noqon doonto in ay gobolada Soomaaliya aakhirka ku kala biiraan labada dal ee deriska ah (Kenya iyo Itoobiya), ayna rumoobi doonto qormadii qoraagii Keenyaatiga ahaa ee Donald Kipkorir uu kal hore cinwaanka uga dhigay “Why Kenya and Ethiopia ought to annex and divide Somalia?“, halkaasna ay kusoo af-jarmi doonto laguna waayi doono qaran danbe oo magac Soomaaliyed sheegta.

F.G:  Waxaan soo dhaweynayaa qof kasta oo qaba feker ka duwan midka aan soo bandhigay, aniga oo waliba maanka ku haya in ay sax tahay haddii dadka qaar ay ku doodaan in macnaha madaxbanaanida uu dal leeyahay (Independent State), ama (Sovereignty State), ay noqoneyso un hadba sida STATUS-ka dalkaas laga hadlaayo looga aqoonsan yahay golaha guud ee Qaramada Midoobay.

W/Q: Aden Colujoog

Madaxa Jubba Diaspora Forum (JDF)

Adencolujoog@yahoo.com

2 COMMENTS

  1. ugu horeyntii waxaaa aad ugu mada celinayaa nika qormadan qoray ee col ujoog,mahad kadib wax walba way u cadahay somalida wax garata runti adigana waaad asiibatay, wxaa muuqata sida laga rakayo umada somaliyeed, inaysan wax qabasan karin, taasna ay keenatay in nalaga maamulo bananka, aniga ahaan waxaan dhihi lahaa taas si aan u beenino waa in aan samaynaa sida colujoog sheegay dhalinyaro markale sida syl ookale u midaysan kana go, antahay in ay u hiiliyaan umadda somliyeed iyo dalkaba, syl waxy ka koobneed 13 rag ah,laakiin maanta waxy ilatahay in lahi karo in kabadan aqoon ku filana leh, hase ahaate waxy ubaahantahay in marada dhexda lagu xirto, dalkuna cid aan dhalinyaro ahyn uma baahna maanta waxaa ku boorinayaa dhalinta maanta in fadhiga ka kacaan oo indha furaan arkaana karama darada sumcad xumada qaxootinimada ay dadkoodu jiraan iyo boobka lagu hayo qeeraadkooda maanta cid aan adinka hayn uu dalku sugayo majiro waa qeylo dhaan dhalinyarow kaca kaca kaca

  2. its true waa run wana arin xaqiiq ah arintaan aad ka hadshay
    wadankeena maskaxda aya nalaga guemystay allaha naga qabto cadowga

Leave a Reply to zaki Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here