Dalka North Korea oo ay hada ka socoto munaasabadi ugu danbeysay ee aaska Kim Jong-il (Sawiro)

Dalka North Korea ayaa waxaa ka socda maalinti labaad munaasabad aas qaran loogu sameynayo madaxweynihi geeriyooday ee dalkaasi Kim Jong-il.

TV-ga qaranka ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya dad aad u fara badan, ciidamo, iyo hogaanka cusub oo isugu soo aruuray barxada weyn ee Pyongyang iyaga oo madaxooda hoos u dhigaya.

Kim Yong-nam, oo wadankaasi loogaga yaqaano hogaamiha labaad ayaa qudbad guubaabo iyo xamaasad leh ka jeediyey goobta isaga oo daawanayey ninka la filayo inuu dhaxlo aabihiis Kim Jong-un.

Sadex daqiiqo oo aamusnaan ah ayaa lagu qabtay barxada oo uu yaalay meydka hogaamiyah dad badana waxaa la arkayey iyaga oo ooyaya.

Kim Jong-il ayaa dhintay 17-ki bishaan marki wadnaha laga qabtay isaga oo da,diisuna aheyd 69 sano.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.