Dalal ka mid ah caalamka oo u dabaal dagay sanadka 2012

Qaar ka mid ah dalal ku yaala caalamka ayaa u dabaal dagay sanadka cusub ee miilaadiga ee 2012.

Iyadoo Qaaradaha Africa, Yurub iyo qaar ka mid ah Asia aysan wali saacadu gaarin 12:00 saqda dhaxe oo laga gudbayo sanadka 2011 loona gudbayo sanadka 2012 ayaa waxaa goor hore oo maanta ah u dabaaldagay sanadka cusub qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa waxaa hareeyey istiinka buleer hawada loo riday oo loogu dabaal dagayey curashada sanadka cusub maadaama ay saacadu gartay saqda dhexe habeenimo.

Magaalada Hong Kong ee ayaa iyana u dabaal dagay the countdown to 2012 was made in giant illuminated numbers on the side of a skyscraper facing the harbour.

Jasiiradaha Samoa iyo Tokelau ayaa laakin ahaa dalalki ugu horeeyey ee loogaga dabaal dagay sanadka cusub maadaama ay iyagu yihiin dalalka ugu horeeya ee aduunyada ay qoraxda usoo hor baxdo.

Dunida kale inkastoo aysan isku saacado aheyn ayaa hadana caawa dalka Soomaaliya iyo meelo badan oo aduunyada ah ay u noqon doontaa sanadka cusub ee miilaadiga ee 2012.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.