Dagmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo Marki ugu Horeysay Yeelanaysa Garoon Diyaaradeed,

Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo loogu talagalay in ay isticmaalaan diyaaradaha hay’adaha samafalka ee ka howlgalayo degmadaas.

Howsha lagu dhisayo garoonka cusub waxaa maalgelinayo hay’adaha WFP ee Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada iyo Unicef, hay’adda badbaadada dhallaanka, iyadoo lagu dhisayo barnaamijka shaqo cunno ku beddelasho (Food For Work) oo dadka dhisayo garoonka shaqada ay qabtaan lagu siinayo cunno.
Guddoomiyaha maamulka magaalada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan oo si rasmi ah shalay u dhagax-dhigay dhismaha garoonka isagoo ay la joogaan wakiillo ka tirsan hay’adaha samafalka ayaa sheegay in dhismihiisa uu wax badan ugu fadhiyo guud ahaan shacabka Gedo, gaar ahaanna kuwa reer Ceelwaaq.
Wuxuu ku dheeraaday muhimadda ay leedahay in ay hay’adaha gargaarka ka howlgalaan degmada si ay u caawiyaan dadka u baahan gargaar, wuxuuna u xaqiijiyey samafalayaasha in ammaanka magaaladu uu yahay mid sugan oo la isku haleyn karo.
Dhinaca kale guddoomiye Guuleed iyo afhayeenka ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo Warfaa Sheekh Aadan oo dhawaan uun dib ugu laabtay degmada Ceelwaaq muddo ay safar ugu maqnaayeen magaalada Nairobi ayaa kulan ay kaga warbixinayeen wixii u qabsoomay la yeeshay xubnaha maamulka, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxay labada mas’uul kulanka ka sheegeen in socdaalkooda uu guul ku soo dhamaaday, la kulmeen wakiillada hay’adaha Qaramada Midoobey ee Somalia, kuwaasoo ballanqaaday in ay xafiisyo ka furayaan Ceelwaaq, wuxuu kaloo sheegeen in mashaariic horumarineed sida adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka qorshuhu yahay in ay degmada ka fuliyaan dowlado iyo hay’ado gargaar.
Guddoomiyaha iyo afhayeenka ayaa iyaguna warbixin ka dhageystay qeybihii bulshada, kuwaasoo madaxda ku amaanay dadaalkooda wax qabad ee dadkooda iyo dalkooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here