Dagaalyanada Sheekh Atam iyo Al Shabaab oo isla midoobay

Kooxda dagaalyahanada ka dagaalanta Buuraha Galgala ee gobolka Bari  ayaa maanta iclaamiyey in ay la midoobeen ururka Al Shabaab.

Yaasiin Qaadi Cismaan (Kilwa)  oo sheegtay inuu yahay hogaamiyaha kooxda ka dagaalanto Buuraha Galgala ayaa cod maqal ah oo uu soo duubay ku sheegay in ay heshiis la galeen hogaamiyaha Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr.

Codkan oo lasoo dhigay bar internet oo ay Al Shabab leeyihiin ayaa lagu sheegay in ay tahay arin aad u weyn isku biiristi Al Shabaab iyo Al Qaacida.
“Waxaan u mahadcelinyeynaa Ilaah, waxaan bogaadineynaa midnimada Xarakada AL Shabaab iyo Al Qaacida oo ah maanta in dadka muslmiinta ah isu imaanayaan, anaga oo ah mujaahidiinta Buuraha Golis maanta waxaan cadeyneynaa in aan la midownay Al Shabaab, waxaana la mubaayacoonayaa hogaamiyaha Al Shabaa, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr.” ayuu yiri Yaasiin Kilwa.

Ugu danbeyntiina waxa uu ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay la saftaan dagaalyahanada ku kacsan maamulka Puntland ee ka dagaalanta buuraha Galgala.

“Waxaan baaq u dirayaa dadka muslimiinta ah ee Buuraha Golis in mujaahidiinta ay gaageeraan, waxaa loo kala baxay Muslim iyo Gaal, marka waxaan leeyahay taageera Muslimiinta iyo Mujaahidiinta.” ayuu yiri.

Isku biirista kooxda ku kacsan maamulka Puntland ee ka dagaalanta Galgala iyo Al Shabaab ayaa kusoo beegantay xilli horaanti bishaan ay midoobeen ururka Al Qaacida iyo Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.