Dagaalyahano Soomaali ah Lagu Laayey Dalka Yemen

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Dowladda Yemen ayaa lagu sheegay in dagaalyahano Soomaali ah lagu dilay dalkaasi.

Sarkaal sare oo dowladda yeman u qaabilsan la dagaalanka Al qaaciddada koonfurta dalkaasi ku xoogan ayaa warbaahintau sheegay in dagaalyahanada soomaalida ay ku jiraan ay yihiin kuwo bilooyinkii la soo dhaafay doonyo ku soo galay guadaha dalka yeman , marar badanna weeraro ku soo qaaday xarumo ciidamada dowladda yeman ay ku leeyihiin koonfurta dalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Marar badan ayaa dowladda yeman waxa ay sheegtay inay dishay dagaalyahanno ka tagay somalia oo ka bar bar dagaalamaya al qaaciddada dalka yeman.

Xarakada alshababoo bah wadaag la noqotay al qaacidda ayaa horay u sheegtay in dagaalyahanadeeda ay ku caawineyso al qaaciddada yeman ku xoogan

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa dalka Yemen waxaa kusoo badanaayey dagaalyahano Soomaali ah oo ka bar bar dagaalamaaya Al qaacidada Yemen

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here