Dagaalyahano al-shabaab katirsan oo gudaha u galay Kenya

Mpeketoni4Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa in 45 dagaalyahano oo ka tirsan Ururka Al Shabaab inay gudaha u galeen dalkaasi, kuwaasi oo ka talaabay xuduuda labada dal ay wadaagaan.

Warbixin laga helay Sirdoonka dalka Kenya oo ay soo xiganayaan Warbaahinta ayaa lagu sheegay in Xoogagaasi Shabaab ka tirsan oo hubaysan inay galeen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari.

Ilaa 45 dagaalyahan ayaa lagu qiyaasay tirada raggaasi sida Saraakiisha ay sheegeen, waxaana ay isku qaybiyeen saddex qaybood.

Labo koox oo ka tirsan Shabaabka ayaa u kala jiheystay deeganada Gerille tuulada kale ee Konton.

Kooxda Saddexaad ayaa waxa ay u jiheysteen Gamarey oo ku taala Bariga Wajir, halkaasi oo laga cabsi qabo inay ka geystaan falal dilal ah.

Al Shabaab ayaa fariisimo ku leh dhulka Keymaha ee Boni, waa meesha ay ka soo abaabulaan weerarada ay ka geystaan dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here