Dagaalo xooggan oo ka Qayb Qaadanaayaan Diyaaradaha Kenya oo ka Socda Duleedka Kismaayo

Wararka naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaaya in dagaal xooggan uu ka socdo deegaanka Birta Dheer oo wax yar 60-KM u jira magaalada Kismaayo.

Dagaalkaani oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Jaamaa_Cabdale ee duleedka magaalada Kismaayo ee Jubada hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado laga leeyahay Kenya, waxaana dagaalka oo bilowday barqanimadii maanta aan la ogeyn ilaa hada qasaaraha ka dhashay isgaarsiinta deegaanka oo xun awgeed.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo haddii uu jiro horumar ay ka sameeyeen dhinacyada dagaalamaaya ee Ciidaamda huwanta iyo Al shabaab.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha dowladda iyo Xarakada Al Shabaab hase ahaatee goor sii horeysay waxa ay dowladda cadeysay inay qabsaneyso Kismaayo halka Shabaab ay dhankooda sheegeen inay is difaacayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here