Dagaal xoog leh oo goordhaweyd ka dhacay Beledweyneyne

Dagaalo u dhexeeya dhinacyo isaga soo horjeeda ayaa waxaa ay ka dhaceen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka socdo dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne iyadoo dagaalka uu u dhexeeyo ciidamada dooxada Shabeelle iyo maleeshiyaad kale oo la sheegay inay yihiin kuwa deegaanka ah.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalku uu yahay mid u dhexeeya ciidamo taabacsan ururka Alshabaab iyo ciidamada dooxada Alshabaab.

Illaa iyo hadda khasaaraha dagaalkan ayaa la sh sheegay in uu gaarayo illaa afar ruux oo ku dhintey halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii sidoo kale uu dagaal ka dhacay dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne.  Odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa wada daadaalo lagu joojinayo dagaalka.

Wararkii u dambeeyey ee ka imanaya magaalada Beledweyne waxa ay sheegayaan in dagaalku uu istaagay lana kala qaaday ciidamada.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.