Dagaalo weli ka socda gobalka Bakool

Dagaalo weli ka socda gobalka Bakool
Dagaalo weli ka socda gobalka Bakool

Wararka naga gaaraya gobal Bakool ayaa sheegaya in halkaas weli ka taagan tahay xiisad dagaal kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ay ku dagaalameen.

Abaandulaha ciidamada ee gobalka Bakool, Gen Cabdi Maxamuud Bile ayaa VOA u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee New Police ay dagaalo xoogan gobalka kula galeen todobaadkan kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay oo kale in dagaaladaas ay ka dhasheen khasaaro lixaad leh oo ay ku jiraan dad shacab oo wax ku noqday.

Cali Maxamuud Bile ayaa xusay in la iska caabiyay Shabaab weerarka ay soo qaaday isagoona intaas ku daray in ay ka dileen tiro dagaal yahano.

Mar la weydiiyay saameynta ay ku yeelatay go’doominta Shabaab goobaha laga qabsaday ,wuxuu xusay in sax tahay oo meelaha qaar aan weli la geynin wax cunto ah.

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deeganka Aato ee gobalka Bakool, halkaasoo ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowlada Somalia iyo kuwa New Police ee ka dhisan dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here