Dagaalo Sababay Khasaaro oo ka Dhacay Deegaano ka Tirsan Gobolka Jubada Hoose

Dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Milatariga Kenya iyo Xoogaga Alshabaab ayaa xalay ka dhacay deegaano hoos taga magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Sida wararka sheegayaan dagaalka ayaa ahaa mid xoogan, kaasoo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxaana daryanka madaafiicda laga maqlayay deegaano u dhow kuwa lagu dagaalamay.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Buulo Guduud oo dhawaan ay isaga baxeen Alshabaab, iyadoo deegaankaasi ay gacanta ku dhigeen ciidamada huwanta ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka oo ah dhinacyadii dagaalamayay, halka ay ku dhaawacmeen in kabadan intaasi.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii u dambeeyay ay ciidamada huwanta wadeen weeraro ay ku qabsanayaan deegaano hor leh, balse alshabaab ayaa u muuqda inay iska caabin kala hortgai karaan ciidamada ka soo horjeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here