Dagaalo saakay ka dhacay degmada Kaaraan

Dagaalo u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo Amisom oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab oo dhinac kale ah ayaa saakay ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalada oo ka dhacay aagaga hore ee ay ciidamada isgarabsanaya kaga jiraan xaafada Jamhuuriya ayaa ka danbeeyey marki ay weerar ku qaadeen halkaasi Xarakada Al Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegay in marka hore ay soo dhaceen madaafiic hoobiyaal ah kadibna ay mar qura isku dhacday rasaas ay is weeydaarsadeen labada dhinac taasi oo socotay qadaro kooban.

Ilaa iyo laba ruux oo dhinacyadi dagaalamayey ah la sheegay in ay ku dhinteen dagaaladaasi saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, warar kale ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen hase yeeshee ma cada.

Dagaalkaasi ayaa qeyb ka ahaa dagaalada ku dhifoo ka dhaqaaqda ee ay Al Shabaab ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.